|
|
-
Madaxweyne Rayaale oo isu bedelay Laba Agaasime Guud (8/14/2008) Hrageisa (Maan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu maanta isbedel ku sameeyay xilalka ay hayeen Laba Agaasime guud oo ka kala tirsan Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka. Reported By: Qaasim Ismaaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Maraakiib Sida Shixnado Bariis ah oo Soo Gaadhay Magaalada Berbera(7/16/2008) Berbera(Maan)-Maraakiib sida shixnado raashin ah, ayaa ku soo qul qulaya Dekeda Magaalada Berbera , sidaana waxa noo soo sheegay Weriyahayaga Berbera.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Urruka samafalka ee Gardo oo deeq baalaadhan soo Gaadhsiiyay Gabilay(7/13/2008) Gabilay(Maan)-Ururka Gardo oo ah urur samofal ah ,saldhigiisuna yahay dalka UK , ayaa Soo gaadhsiiyay deeq balaadhan oo isgu jirta Combuutaro, kuraasi buugaag, iyo alabo kale oo aad looga baahan yahay gobolka cusub ee Gabiley.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Wasiirka Gaashandhiga oo Beeniyay in Ciidamada Somaliland Ka Soo Baxeen Deegaanka Laas-qoray(7/13/2008) Hargeisa(Maan)-Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Md. C/laahi Cali Ibraahin ayaa si kulul u beeniyay war laga baahiyay idaacadda BBC-da laanteeda afka Somaliga oo lagu sheegay in ciidamadda Somaliland ka soo baxeen degaanka buuralayda Laas-qoray oo koox afduubayaal ahi madax furasho ugu haystaan dalxiisayaal reer yurub ah.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Cayimay Wakhtiga La qabanayo Doorashada Madaxtooyada(7/10/2008) Hargeisa(Maan)-Komishinka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay cayimay wakhtiga Doorashada madaxtooyada Somaliland. Gudoomiyaha Komishinka Doorashooyinka Somaliland, Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Dawlada Somaliland oo Markii Ugu Horeysay Ka Qayb gashay Sanad Guuradii 232-aad ee Maraykanka(7/9/2008) Hargeisa(Maan)-Dawlada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka qayb gashay sanad guuradii 232-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii Maraykanku xornimada ka qaateen Ingiriiska, sanad guuradaasi oo ka dhacday Caasimada Nayroobi ee dalka Kenya Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Somaliland oo Toos u Helaysa Deeqda Caalamiga ah(7/9/2008) Hargeisa(Maan)-Shirkii lagaga hadlayay Mashruuca dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland ee QM ka fulinayaan sanadka Somaliland , ayaa shalay gabo gabadii laga soo saaray qodobo laysla gartay oo lagu heshiiyay in Lixda Billood ee soo socda ay hay’adaha QM ka qabtaan Somaliland. Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Gudoomiyihii Maxkamada Degmada Boorame oo Geeriyooday, Si Heer Qaran ahna Loo Aasay Maanta(7/8/2008) Borame(Maan)- Alle ha U naxariistee waxa maanta Xabaalaha Cara qoolaab ee magaalada Boorama lagu aasay gudoomiyihii Maxkamada Degmada ee magaalada Boorama Sh. Cabdiraxmaan Aw Cilmi Xuseen.
Aaska Marxuumkan ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee dadwaynaha magaalada Boorama.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Dhacdadii Shalay Ka Dhacday Xaafad Ka Mid ah Hargeysa(7/8/2008) Hargeisa(Maan)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa u diray fariin ku saabsan dhacdadii shalay ka dhacday xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa shacbi weynaha reer Hargeysa, isaga oo ka tacsiyadeeyay intii ku dhimatay , inta ku dhaawacantayna ilaahay uga baryay inuu caafimaad siiyo .
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Xukuumada Somaliland oo Beenisay in Riiga Rabshaduhu Ka Dhaceen loo Wareejin Boorame(7/7/2008) Hargeisa(Maan)-Wasiirada Macdanta iyo Biyaha , Beeraha , Qorshaynta iyo Duqa Caasimada Hargeysa ayaa galabta si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee JSL waxa ay sheegeen in aan Riigii qodayay ceel biyoodka ku yaala xaafada Masalaha aan loo wareejinin Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdigii Deeq Bixiyayaasha ee EU-du?(7/7/2008) Hargeisa(Maan)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdi balaadhan oo uu hogaaminayay Mr Richard Hands oo ka socda Deeq bixiyayaasha EU-da ayaa Maanta kulan balaadhan ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada.
Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge , ayaa u qornaa sidan:
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Madaxweynaha Somaliland oo Waraysi Siiyay Idaacada Maraykanka ee VOA(7/7/2008) Hargeisa(Maa)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safarkii uu dhawaan isaga iyo wefdi uu hogaaminayaa ku tageen Dalka Jamhuuriyada Jabuuti , arrimaha Ictiraafka iyo arrimo kale oo khuseeya Soomaaliya.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Wasiirka Dalxiiska oo Shahaado Gudoonsiiyay Fanaaniintii Ka Qayb qaadatay Xuskii 26 Juun(7/6/2008) Hargeisa(Maan)-Wasiirka Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Mudane C/risaaq Waaberi Rooble , ayaa shahaado sharafeedyo ku Gudoonsiiyay Hotel Impiral qaar ka mid ah Fanaaniinta Qaranka ee sida xilkasnimada leh uga qayb qatay xuskii 48 guuradii ka soo wareegtay markii ay JSL xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26 Juun 196 Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Maayarka Hargeysa oo Hor Tegay Guddida Joogtada Golaha Wakiilada Somaliland(7/6/2008) Hargeisa(Maan)-Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Maayarka Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa warbixin ku saabsan Waxqabadka dawlada Hoose ka siiyay Guddida joogtada ee Golaha Wakiilada . Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Arin Layaab iyo Naxdin Leh oo Ka Dhacday Magaalada Laascaanood(7/4/2008) Laascanood(Maan)-Arin Layaab iyo Naxdin leh oo ka dhacday Magaalada Laascaanood
Arintan oo aan hore loogu Arkin maqalina Laascaanood ayaa ah mid dadkii oo dhan ka fajacisay bal ku soo dhawoow oo akhri
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose Hargeysa Oo Xilkii La Wareegay(7/3/2008) Hargeisa(Maan)-Xaflad ay xilka kula kala wareegayeen Xoghayaha cusub ee dawlada Hoose Hargeysa,Md. Maxamed Aw-Aadan Wayrax iyo xoghayihii hore Maxamed Nuur Axmed, ayaa lagu kala qabtay xarunta golaha deegaanka Hargeysa.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Laba Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Ka Dhacay Koonfurta Hargeysa(7/3/2008) Hargeisa(Maan)-Alle ha u naxariistee, laba qof ayaa ku dhintay, sideed qof oo kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii gaadhi ay saaraayeen oo Deyne ahaa uu duuleedka koonfureed ee Magaalada Hargeysa.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Intii Somaliland gacanta ku Haysay Sool wax dila iyo wax dhib ahi kama dhicin” Gud. Waxbarashada(7/2/2008) Hargeisa(Maan)-Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool Mudane Saleebaan Cali Dhawaaq oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa , ayaa waraysi uu siiyay Weriye ka tirsan Waryatv , kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin , Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada 8-aad iyo 4-aad ee dhawaan ka dhacay guud ahaan Gobollada Somaliland iyo Xaalada ay hadda ku sugan tahay Gobolka Sool iyo arrimo kale oo xiisa badan.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Dadweynaha Gobolka Cusub ee Hawd oo Madaxweyne Rayaale Ku Hambalyeeyay Magacaabista Gobolkooda(7/2/2008) Hargeisa(Maan)-Wasiirul dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Mudane Aadan Daahir Maxamed ayaa u mahad celiyay masuuliyiintii iyo shacbigii ka qayb galay xafladii wanqalka gobolka cusub ee Hawd oo Axadii lagu qabtay Magaalada Bali-gubadle.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Degmada Ceel-afweyn oo Joojisay Isticmaalka Lacagta Giimbaarta(7/1/2008) Ceel-afweyn(Maan)-Maamulka degmada Ceel-afweyn iyo ganacsatada deegaanadaasi , ayaa shalay markii u horeysay isku raacay inay joojiyaan isticmaalka lacagta Giimbaarta ee shilin Soomaaliga , oo ay sheegeen inay naafaysay dhaqaalihii degmada.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Booqashadii Madaxweyne Rayaale Iyo Xidhiidhka Somaliland & Jabuuti(6/30/2008) Hargeisa(Maan)-Labada Wadan ee Somaliland iyo Jabuuti, ayaa dhul ahaan daris ah, ahna dad isku mid ah ayaa hadana muddooyinkii u dambeeyey uu ahaa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya mid aan fiicnayn. Hase ahaatee, Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku tagay Jamhuriyada Jabuuti , ayaa arrintaasi wax weyn ka bedelay.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Xaflad Balaadhan oo Loogu Wanqalay Gobolka Hawd oo Ka dhacday Magaalada Bali-gubadle(6/30/2008) Hargeisa(Maan)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa shalay ka qayb galay xaflad balaadhan oo loo samaynayay wanqalka gobolka cusub ee Hawd , oo ahaa gobolkii ugu dambeeyay ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Xafladdii Gobolka Hawd lagu Gardaadinaayey oo hadda ka socota Magaalada Balligubadle(6/29/2008) Baligubadle(Maan)-xafladii iyo dabaaldeggii lagu gardaadinaayey gobolka dhowaan madaxweynaha Somaliland magacaabay ee Hawd ayaa ilaa saaka ka soconaysay magaalo madaxda gobolka ee Balli gubadle.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Somaliland Way Buuxisay Shuruudihii Qaran Lahaa(6/28/2008) MaandeeqNews- Marka hore waxa aan ku bilaabayaa magaca alle ee naxariista mid guud ahaaneed iyo mid gaar ahaaneedba (swt),intaas ka dib waxa aan salaamayaa hawlwadeenada shabakadan wararka ee Maandeeqnews iyo akhristayaashaba Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Col. Cali Baale iyo Mayarkii Degmada Taleex( ina fuje) oo isu soo dhiibay Mamulka Soomaaliland(6/27/2008) Laas caanood (Maan)- 26 June 2008. Col.Cali Baale oo ahaa Col.ka haystay Ciidanka (Dooxada Kacayo) ee Degmada Taleex aaya Maanta lagu soo dhaweyey Degmada laascaanood ee Gobalka Sool,Col. aaya waxa weheliyey 6 Sarkaal oo Ciidankiisa ka tirsan iyo Maayarkii Degmada Taleex. Reported By: Qaasim (suxufi) -
Xaflad lagu xusayay 26 Juun oo Xalay Ka Dhacday Qasriga Madaxtooyada(6/27/2008) Hargeisa(Maan) Waxa xalay lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalintii ay Xornimada Somaliland ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska ee 26/Juune/1960.
Reported By: Qaasim Ismaaciil (maandeeqnews@hotmail.com) -
ODHAAHDAYDA MAALINTA 26-juun By Maxamed Cabdi Jaamac(6/26/2008) Laga soo bilaabo illaa dabayaaqadii Qarnigii 18aad ayey Gumaystayaashii Reer-Yurub ku soo duuleen dhulka Somalidu degto, Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Warmurtiyeed wada jira oo ay Soo Saareen Xukuumada Somaliland iyo Xukuumada Jabuuti(6/24/2008) Jabuuti(Maan) War murtiyeed wada jir ah oo ay soo saareen Maanta Xukuumada Somaliland iyo Jamhuuriyada Jabuuti waxay si wada jir ah u cambaaraynayaan duulaanka qaawan ee gardarada ah ee xukuumada Ereteriya ku soo qaaday Jabuuti.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
‘’Gobolka Sool Waa Meelaha Maanta ugu Nabad gelyada Badan Somaliland’’ Gudoomiyaha Gobolka Sool(6/24/2008) Hargeisa(Maan) Gudoomiyaha gobolka Sool Mudane Cali Maxamuud Axmed ayaa ka waramay guud ahaan xaalada gobollada Sool in ay meel wanaagsan marayso.
Gudoomiyaha oo Shabakada wararka Somalilandnation.com ugu waramayay Hargeysa oo uu ku sugan yahay , waxa uu sheegay in xaalada nabad gelyo ee gobolka Sool ay aad iyo aad u wanaagsan tahay , balse ay jirto roob yaraan gobolkaasi ka jirta Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Tababar Ururka SOLJA ugu xidhay 20 Suxufi Huteel Maansoor Hargeysa.(6/23/2008) Hargeisa(Maan) Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta JSL ee SOLJA Mr. Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo furitaankii Aqoon iswaydarsigan hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay inay Suxufiyiintu ka wada hadlaan kaalintooda ku wajahan arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha soo socota.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Madaxweynaha Jabuuti oo Qado Sharaf u Sameeyay Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigiisii(6/23/2008) Jabuuti(Maan) Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay oo booqasho hawleed ku jooga Jamhuuriyada Jabuuti , waxa Maanta qado sharaf ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Madaxweyne ku xigeenka JSL oo Soo Saaray Digreeto Lagu Dhaqan Gelinayo Xeerkii Diiwaan gelinta(6/23/2008) Hargeisa(Maan) Ku-simaha Madaxweynaha Somalilnad ,ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , waxa uu maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo lambarkeedu yahay 345/062008, oo ku saabsan dhaqan galka lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaan gelinta Codbixiyayasha ee xeerka Lambar 37/2007 Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Maayarka Berbera oo Cambaareeyay Falkii Kooxda Ganacsatada ahi ku Qabsadeen Wershada Laydhka(6/23/2008) BerBera(Maan) Maayarka Magaalada Berbera Mudane Cabdalle Cali ayaa cambaareeyay falkii ay doraad ku kaceen koox ganacsato hubaysan oo qabsatay wershada laydhka ee Berbera Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdi Balaadhan oo uu Hogaaminayo oo u amba baxay Jabuuti(6/22/2008) Hargeisa(Maan) Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta duhurkii u amba baxay Caasimada Jabuuti ee Dalka J Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Mudane Ahmedou Ould Abdalla oo Si Weyn u Taageeray Qaddiyada Somaliland, Su’aalo Laga Waydiiyay(6/21/2008) London(Maan) UN Secretary General’s Special Representative to Somalia, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada London, Guriga la yidhaa Chatham House, shirkaas oo ku saabsanaa mawduuca ah (The Humanitarian Crisis in Somalia Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo si Maamuus Leh loogu soo dhaweeyey magaalada Birmingham, UK(6/19/2008) Hargeisa(Maan) Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, oo beryahanba ku hawlanaa kulamo isdaba joog ah iyo booqashooyin, ayaa si Milgo iyo Maamuus leh loogu soo dhaweeyey Magaalada Birmingham oo ah caasimadda 2aad ee Boqortooyada Carriga Ingiriiska halkaas oo ay Jaaliyadda Somaliland oo isku duubani ku martiqaadeen Suldaanka .
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
War deg deg ah: Wasiirul Dawlaha Arr- Dibada Ingiriiska iyo Wefdi uu hogaaminayo oo Somaliland Yimid(6/17/2008) Hargeisa (Maan) Wasiirul dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Ingiriiska isla markaana u qaabilsan Dawlada Ingiriiska Dalalka Barwaaqo Sooranka iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka abaaro 9:30 subaxnimo Madaarka Cigaal International ka soo degay.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Maayarka Magaalada Hero-Shiima ee Japan oo Shahaadada Nabada Gudoonsiiyay Maayar Jiciir(6/17/2008) Hargeisa (Maan) Maayarka Caasimada Hargeysa ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa waxa shalay Shahaado Nabadeed Guddoonsiiyay Hay’adda SDS, taasi oo ay Hay’addani Wakiil uga ahaa Maayarka Magaalada Hero-shiima ee dalka Jabaan oo shahaado sharaafeed-kan soo diray.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Xaflad Lagu Xusayay Maalinta Caruurta Afrika oo Lagu Qabtay Xarunta Agoomaha Hargeysa(6/16/2008) Haregisa (Maan) Xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta caruurta Afrika , ee 16-ka Bishan June ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Agomaha Hargeysa.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Weriyayaal Maraykan iyo Ingiriis ah(6/16/2008) HARGEISA (Maan) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Weriyayaal ka socda dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo dhawaan socdaal ku yimid Somaliland Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Waraysi Aanu La Yeelanay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Ismaaciil Maxamed Jaamac(6/16/2008) Buuhoodle (Maan) Weriye Maxamed C/laahi oo ku sugan Buuhoodle ayaa waraysi uu la leesyahy Gudoomiyaha gobolka Buuhoodle Ismaaciil Maxamed Jaamac wuxuu kaga waraystay xaalada guud ee gobolka iyo waxyaabaha u qorshaysan inay qabtaan.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Wasaarada Waxbarashada oo Cayintay Wakhtiga La Galayo Imtixaanaadka Shahaadiga ah(6/16/2008) Hargeisa( Maan ) Wasaarada Waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in Imtixaanaadkii shaahaadoga ahaa ee dugsiyada Dhexe iyo Sare la geli doono 21-ka Bishan June.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Madaxweynaha Somaliland oo Cadeeyay Mowqifka Xukuumada ee Dagaalka Dhex Maray Jabuuti iyo Eratariya.(6/15/2008) Hargeisa ( Maan)Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu cadeeyay mowqifkiisa Xukuumada Somaliland ee ku aadan Dagaalka Dhawaan dhex maray Jamhuuriyada Jabuuti iyo Eratariya.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
\Guurtida Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Wax Ka Bedelka Lagu Sameeyay Xeerkii Diwaan Gelinta(6/15/2008) Hargeisa (Maan) Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo ahaa fadhi aan caadi ahayn waxay Mudanayaashu ku ansixiyeen 12-kii Qodob eek u jiray Xeerka Diiwaan gelinta ee dhawaan Golaha Wakiiladu wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Xaflad Loogu Wanqalay Degmada Cusub ee Go’da Weyn oo La qabtay(6/14/2008) Hargeisa(Maan) xaflad balaadhan oo loogu wanqalayay Magacaabista degamda cusub ee Go’da weyn ayaa shalay jimcihii lagu qabtay xarunta degmadaasi cusub ee dhawaan la magacaabay oo ka tirsan gobolka Saaxil.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Hay’adda UNDP,Oo Ku Wareejisay Somaliland 21 Gaadhi(6/13/2008) Hargeisa (Maan) Hay'adda Qaramada midoobay u qaabilsan Horomarinta Mashaariicda (UNDP), ayaa maanta dowlada Somaliland ugu deeqday 21-gaadhi oo loogu talo galay adeega horomarinta Bulshada iyo amniga. Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Wefdi Isugu Jira Axsaabta iyo Komishanka oo Safar ugu Amba baxay Dalka Kenya(6/12/2008) Hargeisa (Maan) Wefdi balaadhan oo ka kooban xisbiyada iyo Komishanka oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka qaranka Cali Maxamed Cabdalle ayaa u amba baxay dalka Kiiniya.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Caawa Casho Sharaf u Sameeyay Wefdi Balaadhan oo Ka Socda UNDP(6/11/2008) Hargeisa (maan) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa ugu sameeyay casho sharaf qasriga Madaxtooyada wefdi balaadhan oo ka socda Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Mashaariicda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNDP.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Wasiirka Arr-Dibada oo Casho Sharaf u Sameeyay Wefdigii Ingiriiska Intii aanay Dhoofin(6/11/2008) Hargeisa(-Maan-)Wefdigii ka socday diblomaasiyiinta Safaaradaha Ingiriiska ee Dalalka Itoobiya , Kenya iyo Yeman , oo booqasho laba maalmood ah ku joogay Somaliland ayaa shalay galab ka dhoofay , ka dib markii ay dhamaysteen socdaalkoodii. Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb Galay Xaflad Saaka Ka Dhacday Wasaarada Waxbarashada(6/10/2008) Hargeisa( Maan) Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu saaka ka qayb galay xaflad balaadhan oo lagu qabtay Wasaarada Waxbarashada , Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka oo Maanta Kala Saxeexday Heshiiskii(6/9/2008) (Maan)Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu saxeexaayey heshiiskii sideeda qodobka koobnaa ee ay dhawaanta lagu soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee muddada u dhexeeyey xukummadda iyo Asxaabta mucaaridka, ayaa maanta ka dhacday Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Hogaan Cusub oo ay Doorteen Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA(6/9/2008) Hargeisa ( maan) Shirwaynihii labaad ee Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA) oo muddo saddex cisho ah ka socday Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta la soo gabogabeeyey isla markaana lagu doortay Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen iyo 15 Xubnood oo noqonaya Guddida fulinta ee Ururkaasi.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Gobanimo Doonkii Hindiya Iyo Halgamaagii Mohandas K. Gandhi(6/9/2008) Hargeisa (Maan) Badhtamihii qarnigii 19aad, itna badan Hindiya oo dhami waxay gashay gacanta xukuumaddii Ingiriiska, iyada oo muddo 50 sannadood ah ay wax-garadka Hindida ahi raadinayeen sidii ay Hindidu u heli lahayd xukun dawladnimo, ayuu dnida ka dhacay dagaalkii (I) koowaad ee dunida sannadkii 1914-1917.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Munaasibadii Loogu Wanqalayay Degmada War-Cibraan oo La Qabtay(6/9/2008) War-cimran (Maan)Munaasibad balaadhan oo loogu talo galay wan-qasha Degmada War- Cibraan oo ka mid degmooyinka cusub ee dhowaan ku soo biiray saaxada gobolada Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay barxad mug weyn oo ku taala badhtamaha Degmada War- Cibraan oo 110 Km dhinaca koonfureed ka xigta Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Wefdi Balaadhan oo Ka Socda Safaaradaha Ethiopia , Kenya iyo Yeman oo Somaliland Booqasho Ku Yimid(6/9/2008) Hargeisa (Maan)Wefdi ka socda Safaaradaha dalka Ingiriisku ku leeyahay dalalka Itoobiya , Kenya iyo Yeman ayaa shalay booqasho ku yimid Somaliland.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Ceel Laga Qodayay Koonfurta Hargaysa Iyo Biyihii U Horeeyay(6/8/2008) Hargeisa-(Maan) Wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasin Sh. Yuusuf oo ay weheliyaan wasiirada madaxtooyada iyo beeraha ayaa shalay kormeer la xidhiidha halka hawsha ceelkaasi marayso ku tagay goobta ceelkan laga qodayo ee la yidhaa Uubaale oo magaalada Hargaysa dusheeda.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Ciidmada qaranka ee Somaliland oo soo qabtay rag Ajaanib ah iyo Somali ku soo xadgudbay(6/7/2008) Hargeisa(Maan) Ciidamadda Qaranka Somaliland ee fadhigooddu yahay Gobalka Sanaag, gaar ahaan Degmadda Laasqorey oo ah deegaanada ugu bariyeeya Somaliand ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo cadaan ah iyo afar nin oo kale oo u dhashay degaanka Puntland ee Somaliya.
Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaadhay magaalada Laascaanood(6/7/2008) Laascanood(Maan)Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Cabdi Haybe iyo wafti oo hogaaminayo ayaa booqasho ku yimid Magaalada laascaanood, waftiga intii ay joogeen waxay kormeer hawleed ku mareen Cusbitaalka Guud ee Magaalada laascaanood iyo Xarumaha kale ee Caafimaadka ........... Reported By: Qaasima Ismaciil (maandeeqnews@yahoo.com) -
Bulshada Caalamka oo Mushaharkii ay Siin Jireen Baarlamaanka Imbegati Ka Joojisay(6/7/2008) Hargeisa(Maan)Dawlada Imbegati ee uu hogaamiyo Cabdillaahi Yuusuf ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Beesha caalamku joojisay Mushaharkii ay siin jirtay Baarlamaankooda oo ay xaruntiisu tahay Magaalada Baydhabo.
Reported By: Qaasim (maandeeqnews@yahoo.com) -
Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Socdaal Ku Maraya Gobollada Buuhoodle iyo Sool(6/7/2008) Hargeisa(Maan)Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyos haqada Mudane Cabdi Haybe Maxamed iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminayay ayaa shalay Magaalada Burco dib ugu soo laabtay , ka dib markii ay soo dhamaysteen booqasho shaqo oo ay ku tageen Laascaanood.
Reported By: Qaasim (ISmaciil) -
Badhasaabkii hore ee Sool oo ka soo goostay Puntland kuna sugan Laascanood(6/5/2008) Laascanood(Maan)Ibrahim Jaamac Daad Badhasaabkii hore ee Laascaanood Iyo Xubno Kamid Ah Maamulkii Hore ee Puntland Oo Laascaanood ku soo noqday
Gudoomiyihii Hore ee gobolka Sool Ibraahim Jaamac daad iyo qaar kamid ah xubnihii wasaarada Maaliyada Iyo Dawlada Hoose ee Laascaanood oo wata baabuurtoodii ayaa soo galay magaalada laascaanood iyaga oo shacab ahaan ah
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xafladii xidhitaanka dugsiyada degmada Allaybaday ee sanadka 2007/2008 oo saaka lagu qabtay Allaybad(6/5/2008) Allaybaday(Maan)Waxa saaka xaflad balaadhan oo loogu tallo galay dhamaan dugsiyada Degmada Allaybaday lagu qabtay iskuulka H/Dhexe ee Sh. Axmed Qaalib xafladaasi oo ahayd xafladii xidhintaanka sanad dugsiyeedka 2007-2008 taas oo si wayn ay uga soo qayb galeen marti sharaf ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Allaybaday, Mudane Xasan Cabdi Cali, Xoghayaha UHWA Mustafe Cabdi Cali iyo Gudoomiyaha UHWA Malaysiya, Axmed Ismail Geedi, Maamulayaasha dugsiyada magaalada Allaybaday, Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xukuumada Somaliland oo Qaaday Talaabooyin Ay Kusugayso Kala Danbaynta Gobolka Sool(6/4/2008) Laascanood(Maan)Waxa maalmahan dambe xukuumada Somaliland si weyn u sugtay oo ay ku guulaysatay Nabad gelyada iyo kala danbayntii Gobolka Sool, iyadoo laga mamnuucay in dadka shacabka ahi hub ku dhex wataan gudaha magaalada Laascaanood,islamarkaana laga qaadayo qofkii shacab ah ee aan ciidamada amniga aan ahayn ee hub ku dhex wata magaalada.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
“Waxa Aan Ugu Baaqayaa Dawladaha Waaweyn in ay Dib u Eegis Ku Sameeyaan Qaddiyada JSL” Xil. Buubaa(6/4/2008) Hargeisa(Maan)Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah xildhibaanada Golaha wakiilada , ayaa Warsaxaafadeed uu galabta soo saaray kaga hadlay Heshiiskii saddexda Xisbi Qaran gaadheen , Golaha Amaanka ee Jabuuti Jooga iyo Baaqyo uu u dirayo Bushada Caalamka , si loo aqoonsado Somaliland.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xukuumadda iyo Shicibka Somaliland waxay U Qalmaan Abaal Marinta “Nobel peace prize”(6/4/2008) Inkasta oo dedaalka iyo kaalinta ay ka qaateenba uu kala duwanaa, hadana guusha ka dhalatay heshiiskii Axaddii 01/06/08 laga gaadhay khilaafkii iyo murankii siyaasadeed ee hadhaayey Somaliland bishii hore waa guul Qaran oo kawada dhaxaysa Xukuumadda JSL, Xisbiyada, Guurtida, Wakiilada, Komishanka Doorashooyinka, Ciidamada, Salaadiinta, Culimada , Mujaahidiint, Saxaafadda iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee Shicibka Somaliland oo dhamaantood wada muujiyey MAANDEEQ- Xilkasnimo, Somalilandnimo, Walaaltinimo, Wada shaqayn iyo inay meel uga soo wada jeestaan Cadowgooda ku taamaya hadh iyo habeen ee heshiiskani ku noqonayo gantaal kale oo meel halis ah ka gaadhay.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xildhibaan ka tirsan Kooxda Imbigaati oo is casilay kuna dhawaaqay in la aqoonsado Somaliland(6/4/2008) LONDON(Maan)Mudane Cabdikariin Naasir Siciid (Cabdidheeg) oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Imbegati , ayaa shalay shaaca ka qaaday oo ku dhawaaqay inuu xilkii xildhibaanimada baarlamaanka Imbegati ska casilay.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
UN/Habitat oo Qalab Isugu Jira ,Computero , Miisas, Kuraas Ku Wareejisay Maayarka Hargeysa(6/4/2008) Hargeisa(Maan)Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa shalay hay’adda UN/Habitat kala wareegay Kombuyuutaro , Miisas, Kuraas , Mishiinada Waraaqaha lagu daabaco iyo qalab kale oo loogu tallo galay xafiiska ururka ay ku bahoobeen dawladaha Hoose ee dalka.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Faah Faahin Ka Bixiyay Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran Gaadheen(6/3/2008) Hargeisa (Maan)Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Faah faahin kaga bixiyay Heshiiskii ay wada jirka u gaadheen saddexda Xisbi Qaran, Diiwaan gelinta inagu soo fooda leh iyo arrimo kale oo xiiso badan.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Digreeto Lagu Dhaqan Gelinayo Miisaaniyada 2008 oo Maanta Madaxweyne Rayaale Soo Saaray(6/2/2008) Hargeisa(Maan) Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Lagu dhaqan gelinayo Miisaaniyada sanadka 2008 oo ay Golaha Wakiiladu ansixiyeen toddobaadkii hore.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Siciid Cadaani Mooge , oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiskayaga Magaalada Hargeysa , ayaa u qornaa sidan:
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Jendayi Frazer oo Xaqiijisay in Maraykanku Doonayo Xafiis Diblomaasi Oo ay Ka Furtaan Somaliland(6/1/2008) Hargeisa ( Maan) sarkaalka ugu sareeya ee Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika , Jendayi Frazer , ayaa sheegtay inuu Maamulka Madaxweyne George Bush ee Maraykanku doonayo inay xafiis diblomaasi ah ka furtaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Saddexda Xisbi Qaran oo Heshiis Kama Dambays ah Maanta Gaadhay(6/1/2008) Hargeisa (Maan) Kulan ay maanta yeesheen Madaxda saddexda Xisbi Qaran ayaa waxa ay u gaadheen heshiis kama dambays ah , kaasi oo sheegaya in Doorashada Madaxtooyada la soo horeysiiyo iyo qodobo kale oo muhiim ah. Warsaxaafadeed ay soo saareen saddexda Xisbi Qaran ayaa u qornaa sidan Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wax Ka Xasuuso Haddimooyinkii Somaliland Ka Soo Gaadhay Midawgii Somalia(5/31/2008) Maxkamadda Bad-baadada ee Dalka Oo ku dhawaaqday go'aankii Dacwad loo haystay 22 qof oo ku eedaysnaa dembiyo lid ku ah
Midnimada,Madaxbanaanida,iyo nabad gelyada Qaranka Somaliyeed"
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaarka Burco oo Sideed Bilood ka dib Diyaarad soo Fadhiisatay(5/30/2008) Burco (Maan)- Madaarka Magaalada Burco oo mudo sideed bilood ah xidhnaa ayaa maalintii shalay markii u horeysay ay soo fadhiisatay Diyaarad ay leedahay Shirkada Daallo Airlines.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Jawigii Ay U Dhacday Xafladdii Gobolka Cusub Ee Gabiley(5/29/2008) Hargeisa (Maan) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Nuur Aamin Ismaaciil, isla markaana madax ka ahaa guddidii qabanqaabada wan-qalka gobolka Cusub ee Gabiley ayaa ka hadlay sidii ay u qabsoontay xafladdii loo sameeyey gobolkaasi.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Dhambaal Tacsi ah u Diray Qoyskii Xasan Aadan Qalinle(5/29/2008) Hargeisa (Maan)Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta dhambaal tacsi ah u diray Qoyskii , Qaraabadii iyo shacbiga Somaliland Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Marxuum Xasan Aadan Qalinle.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Maayar iyo Maayar ku xigeen Cusub u Magacaabay Buuhoodle(5/29/2008) Hargeisa ( Maan) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa shalay Wareegtooyin uu Soo Saaray Ku Magacaabay Maayarka iyo Maayar xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Somaliland.
Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Golaha Wakiilada oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Miisaaniyada 2008(5/29/2008) Hargeisa (Maan) Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku asnixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2008 , ka dib markii Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ay ka doodeen.
Fadhigan oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Cirro , waxa Madasha fadhiyay 57 Mudane , waxa ogolaaday 54 Mudane , Laba Mudane ayaa diiday , cid ka aamustay may jirin , Gudoomiyuhuna muu codayn.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Hargeysa iyo Sanad Guuradii 17-aad ee Dalka Itoobiya(5/29/2008) Hargeisa (maan) Xafiiska Dawlada Itoobiya ku leedahay Somaliland ayaa habeenimadii xalay Magaalada Hargeysa ku qabtay xaflad balaadhan oo loogu dabaal dagayay xuska sanad guurada 17-aad ee ka soo wareegtay markii ay ciidamada EPRDF xukunka ka tureen hogaamiyihii Wadankaasi Mingiste Hayle Mariam oo ku beegnayd Maalnimadii shalay.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer oo Laga Xusay 27 May(5/28/2008) Burco (Maan) Munaasibad balaadhan oo loogu talo galay xuska 27 may, oo ku beegnayd maalinta mujaahidiinta ururka SNM ay ku waabariisteen magaalada Burco ayaa shalay lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee Magaalada Burco. Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Maamul Cusub oo Madaxweynaha Somaliland u Magacaabay Gobolka Buuhoodle(5/28/2008) Buuhodle (Maan) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta Magacaabay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle , Waxa kale oo isla Maanta Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska iyo Taliye ku xigeenka ee Gobolka Buuhoodle.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Dugse Sare oo Loo Dhamays-tiray , Allay-Baday(5/27/2008) ALLaY-Baday (Maan) Dhismihii ugu horeeyay ee uu yeelanayo dugsiga sare ee Allaybaday ayaa la dhamaystiray, dhismaha dugsigan oo ay dhisday Hay’adda Caalamiga ah ee Danish Refugee Council (DRC), Dugsigan ayaa qabyo ahaa in muddo ahba, balse dhamaystiran wakhtigan xaadirka ah.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Warshad Biyood Cusub Oo Burco Laga Furey(5/27/2008) Burco(Maan)Furitaanka wershad cusub oo dhinaca biyaha oo loogu magac daray XAREEDA ayaa shalay laga dhawaaqay magaalada Burco ee gobalka togdheer.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Hortegay Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada(5/27/2008) Hargeisa (Maan) Guddi hooaadka Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kulan albaabadu u xidhnaayeen shalay kula yeeshay xarunta golaha Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed ‘’Cali Xoor-xoor’’.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Tacsi u Diray Qoyskii Marxuumad Khadra Aadan Xasan(5/27/2008) Hargeisa(Maan)Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Marxuumad Khadra Aadan Xasan oo shil baabuur ku geeriyootay shalay.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Hawl-wadeeno Caafimaad Ee Tuulooyinka Burco oo Tababar u Furmay(5/26/2008) Burco(Maan)Tababar soconaya mudo 5 Maalmooda oo lagaga hadlayo siday hawl wadeenada caafimaadka deegaanka tuulooyinka qaarkood ay u horumarin lahaayeen baahida saxo xumo ee ka jirta dhinaca biyaha iyo deegaanka oo ay ka qayb galeen shan tuulo oo ka tirsan deegaamada togdheer ayaa shalay laga furey Magaalada Burco. Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Bisha Cas ee Imaraadka oo Deeq Gaadhsiiyay Cisbitaalka Hargeysa iyo Xarunta Agoomaha(5/26/2008) Hargeisa (Maan) Bisha Cas ee Dalka Imaaraadka Carabta , ayaa Maanta Deeq isugu jirta Raashin , Timir Saliid iyo Ambalaas ugu Deeqday Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa iyo Xarunta Agoomaha.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xaflad Balaadhan oo Loogu Wanqalayay Gobolka Cusub ee Gabilay(5/25/2008) Gabilay(Maan)Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay Gobolka cusub ee dhawaan la magacaabay ee Gabilay ayaa Maanta si heer sare ah loogu qabtay Magaalo Madaxda Gobolka Gabilay ee Gabilay.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay(5/23/2008) Hargeisa (Maan) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan [Saleebaan Gaal] ayaa shalay dalka ku soo laabtay, ka dib markii uu oo muddo dhowr bilood ah dibada hawlo caafimaad ugu maqnaa, isla marrkaana waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Madaarka Magaalada Hargeysa. Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
miino kula qaraxday Gaadhi duleedka magaalada duruqsi(5/23/2008) Burco (Maan) Shan qof ayaa ku dhintay todoba kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii baabuurkii ay la socdeen duhurnimadii Maanta Miino kuwa dhulka lagu aaso ahi kula qaraxday duleedka magaalada duruqsi ee 120KM,koonfur ka xigta magaalada Burco Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Magaalada Laascanood oo loo Sameeyey Biyo macaan(5/22/2008) Lascaanood(Maan)Wasaaradda Macdanta iyo Boyaha Somaliland iyo maamulka gobolka Sool, ay iskaashnayaan hay'ado ayaa ku guuleystay in ay Shan ceel oo Biyo macaan ah ka dhexsameeyaan gudaha Magaalada Laascaanood.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxwaynaha JSL oo la kulmay Wefdi ka socda Safaaradda Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia(5/21/2008) Hargeisa(Maan)Madaxwaynaha JSL ayaa caawa qasriga Madaxtooyadda casho sharaf ugu sameeyey Wefdi ka socda Safaaradda Dawladda Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia oo uu hogaaminaayo H.E. Amb. Norman Ling.
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka oo Heshiis Ka Gaadhay Wakhtiga Doorashada(5/21/2008) Hargeisa(Maan)Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada Mucaaridka ah ayaa ku heshiiyay wakhti cusub oo ay isla garteen in la qabto Doorashooyinka deegaanka iyo Madaxtooyada . Kulan Qado iyo Fadhi loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumada , ayaa waxa ay ku heshiiyeen in doorashada Deegaanka la qabto 15/12/2008, halka Doorashada Madaxtooyadana ku heshiiyeen in la qabto 15/03/2008. Xukuumada waxa uga qayb galay : Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xubintii kulmiye ee G/dorashoyinka(5/20/2008) Hargeisa(Maan)Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta fadhi ay isugu yimaadeen ku ansixiyay Mudane Cali Maxamed C/laahi oo xisbiga KULMIYE u soo xuleen buuxinta xubinimadii Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee uu dhawaan isk casilay Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Khudbad Ka jeediyay Beerta Xorriyada ee Hargeysa(5/18/2008) Hargeisa(maan)Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , ayaa khudbad ka jeediyay fagaaraha Beerta Xorriyada Hargeysa Xuska Sanad guurada 17-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland awgeed , halkaasi oo kumanaan dadweyne ahi isugu baxeen.
Madaxweyne Rayaale oo khudbadiisa dhinacyo badan kaga hadlay , waxa uu hadalkiisa ku bilaabay
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Ciidanka Booliiska Gobolka Sool oo Qabtay lacag Somali Faalso ah(5/16/2008) Hargeisa(maan) Ciidanka Booliiska Gobolka Sool, ayaa Kaantaroolka Bari ee Magaalada Laascaanood ku qab qabtay 386 Milyan Shilin Somali Faalse ah iyo Badeecado Raashin ah oo dalka si sharci darro ah loo soo gelinayay, sidaana waxa noo sheegay Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Saqadhi Dubad
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxtooyada Somaliland oo u jawaabtay Guddida Dhaqaalaha Go/Wakiilada(4/26/2008) Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mudane Siciid Cadaani Mooge , ayaa Maanta Jawaab kulul ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi , kaasi oo sheegayay in Shacbiga Somaliland aanay cashuurta bixin.
Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan ayaa u qornaa sidan Reported By: Qaasin ismacil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Shacabiga Reer Somaliland Marnaba Codkooda Siinmaayaan Xisbi Qabiil Ku Salaysan(4/19/2008) By: Ciise Ismaaciil Axmed
29 March waxa ay ahayd Shirweynihii 2-aad ee Xisbiga Mucaaradka Kulmiye, waxa uu ka dhacay Hutel Ambassador ee Magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay ku dhawaad 580 Ergay, oo ka kala yimid Gobolada dalka oo dhan.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Maqal , Waxna La Qabo Walaalahaaga La Nool HIV/AIDS(4/19/2008) Muwaadiniinta Aids-ka La Nool oo Baaq Furan u Diray Madaxweynaha Somaliland
Hargeysa (Maan)- Qaar ka mid ah Dadka Muwaadiniinta ah ee la nool Xanuunka HIV/AIDS, ayaa Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ka dalbaday in xukuumadu ay wax la qabato isla markaana loo Fidiyo Xanaano iyo daryeel gaar ah. Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Gobolka Awdal Oo Tabobar Loogu Soo Gabogabeeyey 36 Xubnood(4/19/2008) By: Caafi
Boorame (Maan)- Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal Prof.Daahir Maxamuud Xadi ayaa shalay xarunta waxbarashada Gobolka Awdal ugu soo xidhay tabobar u socday 36 xubnood oo ka tirsan Guddiyada Waxbarashada iyo Maamulayaasha 9 iskuul oo ku kala yaaala degmooyinka Saylac,Baki,Boon iyo Borama, Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasaarada Daakhilaga oo Badhasaabada Burco u Kala Tirisay(4/19/2008) Yuusuf Ilka Case
Burco (Maan )- Munaasibad balaadhan oo loogu talo galay xil-wareejinta Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Togdheer ayaa lagu qabtay Xarunta Maamulka ee Gobalka Togdheer. Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasaarada Daakhilaga oo Badhasaabada Burco u Kala Tirisay Xilalka(4/19/2008) Yuusuf Ilka Case
Burco (Maan )- Munaasibad balaadhan oo loogu talo galay xil-wareejinta Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Togdheer ayaa lagu qabtay Xarunta Maamulka ee Gobalka Togdheer.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Socdaalkii Madaxweyne Ku-Xigeenku Ku Soo Maray Gobollada Bari(4/19/2008) Bahda Maandeeq
Hargeysa (Maan)- Wefdigii uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , ayaa khamiistii dib ugu soo laabtay caasimada Hargeysa , ka dib markii ay soo dhameeyeen socdaal 16 cisho ah oo la xidhiidhay taakulaynta gurmadka abaaraha.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirka Beeraha oo Ka Waramay Xaalada iyo Maceeshada Dalka(4/17/2008) Hargeysa(Maan)-Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland, Md. Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare], ayaa taageeray go'aankii golaha Guurtidu ay muddada halka sano ah ugu kordhiyeen Madaxweynaha Somalland Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxana uu go'aankaasi ku timaamay mid dalka lagaga badbaadiyay inuu ku dhaco dawlad la'aan.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo Ka Jawaabay Eedayn loo soo jeediyay(4/17/2008) Hargeysa (Maan)- Maareeyaha Wakaalada Biyaha Magaalada Hargeysa Eng Khaliif Cabdillaahi , ayaa jawaab kulul ka bixiyay warbixino lagu dhaliilay oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku soo baxayay wargeyska Jamhuuriya.
Maareeyaha Wakaalada Biyuhu oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si adag uga jawaabay eedaha loo soo jeediyay waxana uu yidhi ‘’Waxa xafiiska maanta ii yaala Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Wefdi Ka Socda Hay’adda UNDP(4/17/2008) Hargeysa (Maan) Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay ku qaabilay Madaxtooyada wefdi ka socda hay’adda UNDP.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor) -
M/ Xigeenka oo Lacag Abaal Marin ah Gudoonsiiyay Cuqaal iyo Ciidamo(4/17/2008) Ceerigaabo (Maan)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, iyo weftigiisii ayaa shalay 45 malyan oo abaal marino lacageed ah gudoon siiyay, Ciidamadii, cuqaashii waxgaradkii iyo tuulooyinkii ka qeyb galay hawl galkii lagu soo qabtay kooxdii budhcada ahayd ee bishii Febarwari ee la soo dhaafay magaalada Ceerigaabo ku Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Shirkada Telecom Oo Soo Kordhisay Adeegyo Cusub(4/17/2008) Hargeysa (Maan)- Masuuliyiinta shirkada Telecom, ayaa sheegay inay dhawaan gobolada dalka ay ku qaban doonaan bakhtiyaan nasiib lagu heli doono abaal marino kala duwan oo ay ku jiraan Baabuur, kombuyuutaro, Mobilada gacanta iyo qalab kale oo badan.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor) -
Shirkada Telecom Oo Soo Kordhisay Adeegyo Cusub(4/17/2008) Hargeysa (Maan)- Masuuliyiinta shirkada Telecom, ayaa sheegay inay dhawaan gobolada dalka ay ku qaban doonaan bakhtiyaan nasiib lagu heli doono abaal marino kala duwan oo ay ku jiraan Baabuur, kombuyuutaro, Mobilada gacanta iyo qalab kale oo badan.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor) -
"Anigaa ah Suldaanka Beesha Gelbeedka Habar-yoonis" Suldaan Xiiray(4/17/2008) Hargeysa (Maan)- Suldaan Yuusuf Muxumed, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay nin suldaanimo sheegtay, oo la yidhaahdo Saleebaan Cismaan Xasan, oo raali gelin ka bixiyay Hadalo mucaaridka lagu durayay oo ka soo yeedhay wasiirada Hawlaha Guud, Maaliyada, iyo Arrimaha Gudaha.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqedirtor) -
Kulan Balaadhan oo Lagu Taageerayay Muddo Kordhinta Madaxweynaha oo Lagu Qabtay Gabilay(4/15/2008) Gabilay (Maan) Kulan Balaadhan oo ay isugu yimaadeen Odayaasha , Waxgaradka iyo qaybaha kala gedisan ee gobolka cusub ee Gabilay iyo degmada Wajaale , ayaa lagu taageeray go’aankii dhawaan Golaha Guurtida Somaliland ay mudada halka sano ah ugu kordhiyeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa
Kulankaasi oo lagu qabtay Magaalada Gabilay , ayaa Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Weedha Wargeyska(4/15/2008) Kan Ku Fekeraya in dalkani uu saacad dawlad la’aan ku dhaco , waa mid aan habeen jirin’
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
76 Qoys oo Danyar ah oo Raashin loo Qaybiyay(4/15/2008) By: C/salan Xariir
Berbera (Maan)- Isku duwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Saaxil , Sheekh Saleebaan Cabdillaahi Cali , ayaa sheegay in 76 qoys oo dan yar ah oo ku dhaqan Magaalada Berbera , ay u qaybiyeen Raashin loogu tallo galay in ay Isticmaalaan muddo bil ah.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada oo Socdaal Ku Jooga Oodweyne(4/15/2008) Oodweyne (Maan)- La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada iyo Xidhiidhka Dadweynaha Mudane Prof Nuux Axmed Cismaan oo shantii maalmood ee la soo dhaafay socdaal ku joogay gobolka Cusub ee Oodweyne , ayaa shalay kormeer ku soo maray xarunta Dawlada iyo Dugsiyada Waxbarashada gobolkaasi.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Badhasaabka Saaxil oo Soo Jeediyay in Sharciga Lala Tiigsado Dadkii Ka Dambeeyay Qaraxyada(4/15/2008) By: C/salaan Xariir
Berbera (Maan)- Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamed C/laahi Maxamed , ayaa cambaareeyay qaraxii lala beegsaday xarunta golaha Guurtida , waxaanu u soo jeediyay xukuumada in ay sharciga hor keento dadkii ka dambeeyay qaraxa.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
‘Qofna Laga Baryi Maayo Lacagta Biilka Biyaha’’(4/15/2008) Hargeysa (Maan)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku beeninayo war uu qoray Wargeyska Jamhuuriya ku qabtay Xafiiskiisa.
Jawaabta kulul ee uu ka bixiyay qoraalkan ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya, ayuu ku tilmaamay dhaleecayn shaqsinimo huwan.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yohoo.com) -
‘Tusaale ayaad Afrika u Noqoteen Markii Aad Isku Tashateen’ Hawiye Action Group(4/15/2008) Hargeysa (Maan)- Ururka Hawiye Group, ayaa soo saaray baaq ay kaga hadlayaan xaaladda iyo taariikhdii halgan ee Somaliland soo martay , isla markaana ay ku boorinayaan in la ilaaliyo midhihii halganka , waxaanu baaqaasi u qornaa sidan:
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Xukuumada oo Amartay in La Gubo Lacagta Faalsada ah(4/15/2008) Hargeysa (Maan)- Xukuumada Somaliland , ayaa amar cad ku bixisay in la gubo lacagaha faalsada ah ee shillin Soomaaliga.
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Cali Maxamed Waran Cadde , ayaa go’aankaasi kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Maayarka Ceerigaabo Oo Ka Waramay Wax-qabadkiisii Shantii Sano Ee La soo Dhaafay(4/15/2008) Ceerigaabo (Maan)- Maayarka Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, Md, Ismaaciil X. Nuur Faarax, ayaa ka waramay waxqabadkii Golaha Deegaanka Degmadaasi ee shantii sanno ee la soo dhaafay.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Sheegay In Dalalka Carabtu Ay Bedeleen mawqifkii Ay Ka Taagnaayeen JSL(4/15/2008) Hargeysa (Maan)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in siyaasada dibada Somaliland ay kasbatay dalal badan oo caalamka ah, waxana uu ka waramay wixii u qabsoomay sanadihii la soo dhaafay.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Madaxweynaha oo Magacaabay Wasiir Cusub iyo Badhasaabkii Gobolka Togdheer oo Xilkii Laga Qaaday(4/14/2008) Hargeysa (Maan)- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , ayaa Magacaabay Wasiir cusub iyo Badhasaab cusub , isla markaana xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Togdheer.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Golaha Guurtida oo Tallooyin u Soo Jeediyay Xukuumada , Komishanka iyo Asxaabta Qaranka(4/14/2008) Bahda Maandeeq
Hargeysa (Maan)- Fadhigii Shalay ee Golaha Guurtida JSL ayaa laga akhriyay qodobo talooyin oo ku waajahan mudada Korodhsiimada xilka madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka oo ay u jeedinayaan xukumada, komishanka doorashooyinka qaranka , iyo axsaabta siyaasadeed ee qaranka.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Xaggee Faysal Ku Arkey Madaxweyne Aan Wadan Xaaskiisa ?(4/14/2008) Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waa nin had iyo jeer lagu arko Saxaafadda, hase yeeshee marka aad daraasad ku samayso hadaladiisa waxa ku cadaanaysa inuu yahay nin isbedbedal badan oo uu mawqafkiisa siyaasadeed heehaabo, sababta ugu wacan heehaabkaasi ayaa lagu tilmaamaa in ay kow ka tahay waayo aragnimo la’aan siyaasadeed, balse Eng. Faysal Cali Waraabe waa nin aan is ogay in uu xisbigiisa ku yahay Kalidii Taliye Shandad ku sita xisbiga iyo taladiisaba.
Reported By: Ciise Ismaaciil Axmed (ashqaraar@hotmail.com) -
Salaadiin Ku Baaqay in La Ilaaliyo Nabad gelyada(4/14/2008) Bahda Maandeeq
Hargeysa(Maan)- !2 kamid ah salaadiinta gobolka Hargeysa, ayaa shalay ku baaqay in la ilaaliyo Nabad gelyada, isla markaana sheegay inay bilaabayaan talaabo ay iskugu soo dhaweynayaan Xisbiyada, golayaasha iyo dawlada.
Salaadiintan oo shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, waxay shacbiga ugu baaqeen in ay ilaashadaan nabad-gelyadooda.
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Wasiirka Wershadaha oo Ku Eedeeyay Dib u Dhaca Doorashooyinka Xisbiga Kulmiye(4/14/2008) Bahda Maandeeq
Hargeysa (Maan)- Wasiirka Warshadaha Somaliland, Md Maxamed Saleebaan [Ina Saleebaan Weyne], ayaa shir jaraa’id kaga hadlay go’aankii golaha guurtida Somaliland, mudada halka sano ah ay ugu kordhisay Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa, Komishanka , Mucaaridka iyo Arrimo kale. Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Maxamed Kaahin Burco Go’ Shaal ah ayuu Ku Dhex Maraa, Halka uu Hargeysa Ku Dhex Tamashleeyo’(4/13/2008) ‘‘Hargeysi Way Ogtahay Shaqadii Xumayd ee Maxamed Kaahin u qaban jiray Salxaan’
Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Mudane Cirro
Reported By: Bahda Maandeeq (Maandeeqdiror@yahoo.com) -
Golaha Guurtida oo ku gacan saydhay go.aankii Komishanka(4/13/2008) (Maan)
Golaha guurtida JSL, ayaa fadhigii maanta ku gacansaydhay go'aankii ay masuuliyiinta Komaishanka doorashooyinku ku sheegeen in aanay waxba ka bedelayn jadwalkii doorashooyinka ee ay xisbiyada la gaadheen. Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqediror@yahoo.com) -
Wasiirada Maaliyada iyo Hawlaha guud oo Ka Hadlay Mowqifka Xukuumada ee Muddo Kordhinta(4/11/2008) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale iyo Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Siciid Sulub Muxumed , ayaa shir jaraa’id oo ay Maanta wada jir ugu qabteen Xarunta Wasaarada Maaliyada jawaabo kulul ka bixiyay hadalo Dhawaan ay Warbaahinta ku Faafiyeen Gudoomiyayaasha Mucaaridka
Wasiirka Hawlaha guud oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ’Waxa aad moodaa sababo farsamo darteed inay doorashooyinkii aanay wakhtigodii ku dhacayn , sidaasi darteed xukuumada Somaliland ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xisbiga KULMIYE ku Eedeeyay in ay Ka Dambeeyeen Qaraxii Guurtida(3/11/2008) Hargaysa(Maan)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali ‘’Cirro’’, ayaa Xisbiga KULMIYE ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Qaraxii Maanta duhurkii ka dhacay Aqalka Odayaasha ee Somaliland.
Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’Falkii Qaraxa ee ka dhacay Golaha Guurtida waxa ka dambeeyay Xisbiga KULMIYE , waxana aan u qabanay nin ka tirsan xisbiga oo sii saadaaliyay in uu Duhurka wax dhici doono’’.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xisbiga KULMIYE oo Looga Shaki Qabo Qaraxa Ka Dhacay Xarunta Golaha Guurtida(3/11/2008) Qarax wayn ayaa maanta duhurkii ka dhacay Dhismaha Gudaha Golaha Guurtida magaalada Hargeysa.
Qaraxan oo dhacay abaaro 12:30 duhurnimo xili ay badi ka rawaxeen Xildhibaanada Golahaasi iyo Shaqaalahooduba,waxana qaraxaasi waxyeeleeyey Daaqadaha iyo qalabkii yaalay qaar ka mid ah Xafiisyada Golaha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md.C/laahi Ismaaciil Cali(Cirro) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen.Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa labaduba tagay isla goobta waxyar ka dib markii qaraxu dhacay ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiir ah ka bixiyaan Qaraxaasi.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirkii Hore ee Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga oo maanta xilkii warejiyey(4/6/2008) Hargeisa(Maan)Wasiirkii hore ee Wasaarada Horumarinta reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde , ayaa Maanta si rasmiya ugu Wareejiyay xilkii uu u hayay Wasaarada Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Reer miyga Siciid Maxamed Bille, ka dib markii Madaxweyne Daahir Rayaale Xilkii ka qaaday Khamiistii toddobaadkii hore.
Xaflad loo Sameeyay xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Wasaaradaasi ee Magaalada Hargeysa , waxa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi , Shaqaalaha iyo Marti sharaf kale.
Reported By: Qaasin ismacil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Odayaasha G/Sool ’Waxaanu Taageersanahay Go’aankii uu Rayaale Shaqada Kaga Eryay Fu’aad Adan Cade’’(4/6/2008) Hargeisa(Maan)odayaasha iyoaqonyahanka Sool ee Somaliland , ayaa baaq ay maanta soo saareen kuy sheegay inay taageersan yihiin go’aankii uu Madaxweyne Daahir Rayaale xilka kaga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaarada Horumarinta reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde.
Odayaasha iyo aqoonyahanka gobolkaasi Sool waxa ay sheegeen in ay si weyn u taageersan yihiin go’aanka Madaxweynaha , isla markaana ay ka soo hor jeedaan hadalkii ka soo baxay Wasiirki horumarinta reer Miyga aragtidaasina ay tahay mid isaga u gaar ah.
Reported By: Qaasin ismacil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Macdanta ee Somaliland oo Dalka Ku Soo Laabtay(4/6/2008) Hargeisa(Maan)Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Macdanta iyo Biyaha Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim , ayaa dalka dib ugu soo laabtay , ka dib markii ay soo dhamaysteen Socdaal hawleed oo ay ugu maqnaayeen dalka Itoobiya .
Reported By: qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Wefdigiisii oo Gaadhay Ceerigaabo(4/5/2008) Ceerigaabo(Maan)Wefdigii uu hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhi sidii ay biyo u gaadhsiin lahaayeen gobollada bari, waxa masuuliyiintii iyo dadweynihii soo dhaweynayey kaga horyimaadeen tuulada Yufle oo dhaw iyo labaatan kiiloomitir koonfur galbeed ka xigta Magaalada Ceerigaabo.
Reported By: qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiir xigeenka Ganacsiga iyo Badhasaabka Togdheer oo Beeniyay in aanay Biyo Gaadhin Oodweyne(4/4/2008) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga Mudane C/xaliim Maxamed iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere , ayaa si wada jir ah u beeniyay war uu faafiyay duqa Oodweyne oo sheegay in aanay wax taakulayn biyood ah oo gaadhay Oodweyne Reported By: Qaasin ismacil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirkii Hormarinta Reer Miyiga Somaliland oo Xilkii Laga Qaaday(4/4/2008) Hargeisa(Maan)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde.
Reported By: qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Ururka SOLJA oo Jaraa’idada , TV-yada iyo Idaacada u Qaybiyay Printaro iyo Kamarado(3/4/2008) Hargeisa(Maan)Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise ‘’Shiine’’ iyo Xoghayaha guud ee Ururkaasi Muuse X. Muxumed Guuleed ‘’Muuse Inji’’, ayaa hay’adaha warbaahinta qaarkood gudoonsiiyay agab kala gedisan.
Xafladii gudoonsiinta qalabkaasi oo ay ka soo qayb galeen Madaxda hay’adaha warbaahinta waxa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Urur Saxaafadeedka kale ee SSWJ Yuusuf Cabdi Gaboobe.
Reported By: qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Gaadhigii Taliyaha Maleeshiyada Puntland Oo loola Soo Galay Somaliland(3/4/2008) Laascaanood(Maan)Gaadhi uu lahaa taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Cali Baadiye ayaa maalintii Salaasadii isu soo dhiibay ciidanka Qaranka Somaliland ee Jiida hore , waxana watay saddex ka mid ahaa ilaaladiisii gaarka ahayd iyo weliba xoghayntiisii Reported By: qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne ku xigeenka JSL iyo Wefdigiisii oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka SARAAR(3/4/2008) Laascanood(Maan)Wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , xalay si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceynaba ee Gobolka Saraar.
Reported By: qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Tuulada Abaarso oo Dhoola Tus Isugu Soo Baxay(4/2/2008) Abaarso (MAaN)- Masuuliyiinta Xisbiga UDUB oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Abaabulka iyo Wacyi gelinta Xisbiga UDUB Mudane Maxamuud Cabdi Faarax ‘’Ina Cabdi Malow’’ ayaa Maanta ka qayb galay xaflad dhoola tus ah oo ay isugu soo baxeen taageerayaasha Xisbiga UDUB ee tuulada Abaarso ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Boqolaal qof oo ka tirsan Taageerayaasha Xisbiga UDUB , Reported By: qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Ould-Cabdalla : Somaliland waa wadan ka duwan Soomaaliya Nabadina ka jirto(4/2/2008) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Ould-Cabdalla, ayaa mar saxaafada kula hadlayay Washington qiray in Somaliland ay tahay Wadan ka duwan Soomaaliya Nabad gelyo iyo Xasiloonina ka jirto.
Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:
Reported By: Qaasim Ismail (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Dhamaan Waxgarad B/ciise oo Madaxweynaha ku Tageeray Gobolnimada Saylac(3/30/2008) Hargeisa(Man)Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Mudane C/risaaq Waaberi Rooble , Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cali Cilmi Geelle , Salaadiinta iyo Waxgaradka Beesha Ciise , ayaa maanta Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ku taageeray Magacaabista gobollada iyo Degmooyinka cusub.
Siyaasiyiinta, Salaadiinta iyo Cuqaasha Beesha Ciise ayaa shir ay Maanta ku qabteen huteelka Imperial ee Magaalada ku muujiyay taageeradooda ku wajahan magacaabista gobolka Salal, waxana ay sheegeen inay taageersan yihiin siyaasada xukuumada Madaxweyne Rayaale.
Reported By: Qaasin ismacil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Lawyacado: Xaflad balaadhan oo lagu Taagerayo G/SALAL(3/30/2008) Lawyacado(man)Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Saylac Maxamed Cumar Cawad iyo Gudoomiye ku Xigeenkiisa Cismaan Muumin Caare,Xubno ka tirsan Golaha degaanka iyo Idiris Cigaal Nuur iyo Dadwayne aad u tiro badan oo ka kala yimid Magaalooyinka degmada Saylac ay ka kooban tahay ayaa ka qayb galay Munaasibad balaadhan oo lagu taageeryay Magacaabistii Gobolka cusub ee SALAL
Reported By: Qaasim Ismaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Agaasimaha Guud ee Macdanta oo Beeniyay in Somaliland iyo Putland Heshiis la Galeen Shirkadda TGS(3/29/2008) Hargeisa(man)Agaasimaha guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha JSL Mudane Axmed I. Suldaan , ayaa Maanta beeniyay Warar beryahanba uu qorayay Wargeyska Haatuf iyo Somaliland Times , kuwaasi oo sheegayay heshiis Somaliland iyo Putland la galeen shirkadd la yidhaahdo Range Resources iyo lacago Malaayiin Doollar ah oo la kala qaatay.
Reported By: Qaasin ismacil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiiro Galabta u Amba Baxay Dalka Switzerland(3/28/2008) Wefdi balaadhan oo Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Mudane Cali Ibraahim ‘’Cali Sanyare’’, ayaa galabta u dhoofay dalka Switzerland
Wefdigan oo ka koobnaa Wasiirada Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe, Wasiirka Waxbrashada Mudane Xasan Gadhweyne iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Switzerland ayaa galabta ka dhoofay Garoonka Caalamiga ah ee Igal International ee Magaalada Hargeysa.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Maanta Maxaabiistii uu Cafiska u Fidiyay Kulan kula yeeshay Magaalada Hargeisa(3/25/2008) Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta ka qayb galay xaflad loo sameeyay Maxaabiistii uu Madaxweynuhu Cafiska u fidiyay dhawaan, taasi oo lagu qabtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo si weyn loo soo Agaasimahay Waxa ka soo qayb galay Siyaasiga weyn ee Axmed Cabdi Xaabsade , Wasiirada Hawlaha Guud, Cadaalada , Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha , Gudoomiyaha hay’ada Shaqaalaha , Saraakiil sare sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo marti sharaf kale.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirka Diinta oo Xadhiga Ka Jaray Masaajidkii 334-aad ee Hargeysa laga Dhiso(3/24/2008) Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed , ayaa shalay masaajid cusub oo laga dhisay xaafada Jig jiga yar ee Magaalada Hargeysa xadhiga ka jaray.
Masaajidkan shalay furmay oo ah kii 334-aad ee ay yeelato Magaalada Hargeysi , ayaa loo bixiyay Masjidul Cumar Cismaan , isla markaana waxa maal galiyay Cabdi Casiis Cumar Cismaan oo ah muwaadin reer Somaliland ah.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
570 Taageerayaal Cusub ah oo ku soo Biray Xisbiga talada haya ee UDUB(3/24/2008) Taageerayaal tiradoodu dhan tahay 570 , ayaa Maanta ku soo biiray Xisbiga UDUB, waxana xaflad soo dhawayn ah oo loogu sameeyay Xarunta Dhexe ee Xisbiga UDUB ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibada loo sameeyay Taageerayaashan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane C/laahi Cali Ibraahim , ku xigeenkiia Mudane Axmed Maxamed Filanwaa , Guddida Fulinta ee Xisbiga iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, taageerayaasha ku soo biiray oo ay ka mid ahaayeen Ururka Gaadiidka waaweyn ee Gaaroodi2, Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Maanta Magacaabay Lix Gobol oo Cusub iyo 16 Degmo(3/23/2008) Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta soo saaray Lix Xeer Madaxweyne , oo uu Lix gobol oo Cusub ugu magacaabay dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo 16 Degmo oo cusub.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL ayaa u qornaa sidan:
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxtooyada Somaliland oo Beenisay War uu Qoray Wargeyska Haatuf(3/23/2008) Hargeisa(man)Afhayeenka Madaxtooyada JSL Mudane Siciid Cadaani Mooge , ayaa Maanta Warsaxaafadeed uu soo saaray ku beeniyay War uu qoray Wargeyska Haatuf cadadkiisii Jimcihii shalay , kaasi oo uu qoray war ku saabsan in Somaliland la keeni doono Ciidamo Qaramada Midoobay ka socda oo laga soo dejin doono Magaalada Berbera.
Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Waxa La Gaadhay Xilligii Loo Gurman Lahaa Dadweynaha Abaaruhu Saameeyeen(3/22/2008) Waxa la gaadhay xilligii Shacbiga Somaliland iyo ganacsatada dalku ay gacan u fidin lahaayeen Bulshada ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka Somaliland ee ay ku habsadeen abaaraha dabada dheeraaday.
Inkasta oo Guddida Qaran ee madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin gudoomiyaha u yahay ee loo xil saaray ka hawl gelida xaalada abaaruhu ay qaadeen tallaabooyin dhawr ah oo ay mudnaanta siiyeen in shacbiga Somaliland ay ilaahay u toobad keenaan, isaga oo Madaxweyne ku xigeenku iclaamiyay in dalka laga sameeyo tukashada Salaado qunuud ah si ilaahay looga baryo inuu inaga dul qaado abaaraha.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Nadaafada Burco Oo Werer Laga Muujiyay(3/22/2008) Burco (Maan)- Kulan balaadhan oo lagu gorfeenayo sidii looga hor tagi lahaa nadaafad xumada salka ku haysa xashiishka iyo weliba caafimaadka deegaanka ayaa khamiistii lagu qabtay Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaamacada Burco iyo Hayada Caritas, isla markaana lagu qabtay Xarunta Jaamacada Burco, ayna ka qayb galeen ururo Wadaniya, Ganacsato, iyo Madaxda Gobalka, waxaa ujeedada ugu weyn ee laga lahaa ay ahayd sidii wax looga qaban lahaa dhaliisha ku saabsan qashinka ee gudaha Magaalada Burco.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Ciidamo Ka Badan 100 Askari oo Ka Soo Goostay Butland(3/22/2008) Laascaanood (maan)- In ka badan Boqol Askari iyo gaadiid ay wateen , ayaa ka soo goostay shalay Maleeshiyada Maamul goboleedka Garoowo , kuwaasi oo la sheegay in ay isu soo dhiibeen ciidamada Somaliland ee jiida hore.
Ciidamada oo watay gaadiidka xamuulka ee lagu daabulo ciidamada sida warku sheegay waxa ay iska soo kala dhiibeen laba aag oo jiida hore ah ee gobolka Sool.
Saraakiisha ciidamada qaranka ee Jiida hore ayaa halkaasi ku soo dhaweeyay ciidamada ka soo goostay maamulka Putland, kuwaasi oo sheegay in ay uga maamulkaasi dhibaatooyin joogto ah oo ay u adkeysan kari waayeen.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
waxa magalada hargaysa Booqasho ku yimid wakiilka Somaliland ee Sweden(3/15/2008) Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh. Aadan iyo Weriyaha Tvsomalilandeurope C/karim Muse Dalmar oo booqasho ku jooga caasimada Hargeysa , ayaa Saaka nagu soo booqday Xafiiska Wararka Somaliland Nation ee Magaalada Hargeysa.
Wakiilku waxa uu si guud nooga waramay Xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Sweden , taasi oo uu sheegay in ay meel fiican hadda marayso .
Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Dhagax Dhigay Dhismaha Machadka Shaqaalaha Dawlada(3/11/2008) Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta dhagax dhigay Dhismaha Machadka Shaqaalaha Dawlada (CSI), oo laga dhisayo Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horeyn yidhi ‘’Farxad weyn ayay Maanta ii tahay in Machadkan oo ay dhismihiisa iyo hir gelintiisa ay samaynayso hay’adda UNDP , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiir Cirro iyo wafti uu hogaaminayo oo u kicitimay Koonfur Africa(3/11/2008) Hargaysa (Maan) waxa galabta Madaarka Cigaal International ka dhoofay wefdi culus oo uu hor kacayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali Cirro, waxana ay ka qayb geli doonaan shir caalami ah oo ka dhacaya dalka Koonfur Africa.
Weftigan oo ay xubno ka yihiin, Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Axmed Kayse iyo Xoghayaha fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo sarkaal ka tirsan UN/HABITAT, wasiirka oo intii aanu ka dhoofin dalka u waramayay saxaafada, Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Maamulka Degmada Allay-baday oo Biyo Dhaamin u Sameeyay Dadweynaha(3/11/2008) Allay-baday (maan) Maamulka Degmada Allaybaday , ayaa Maanta biyo dhaamin u sameeyey qaar ka mid ah dadweynaha iyo ardayda ku nool Tuullooyinka hoos yimaada degmada Allaybaday sida, Diini Goobaale, Magaalo Farxaan, Waadi Xoor iyo Laaye.
Iyadoo booyodo biyo ah loogu shubay baco lagu talogalay oo hore tuullooyinka loogu qaybiyey taasi oo si weyn ay ugu diirsadeen dadweynihii deeganadaasi ku noolaa.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Ururka SOLJA oo Hogaan Cusub Doortay Saddexda Sano ee Soo Socda(3/1/2008) Hargeysa(Maan)-Shirweynihii sadexaad ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu soo gabo gabeeyay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana halkaa lagu doortay guddi fulineed oo ka kooban 15 xubnood oo ka kala tirsan warbaahinta maxaliga ah iyo suxifiyiinta madax banana ee Somaliland.
Shirweynahaas oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa ka qaybgalayashi shirkaasi waxa ay sida adag ugaga doodeen qodobada xeerka Ururka, Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Berbera: Dawlada Hoose & dhameystirka Jidka iskau Xidha Madaarka & Magaalada(3/1/2008) Dawlada hoose ee Magaalada Berbera ayaa bilowday dhameystirka wadada isku xidha Madaarka & Berbera oo ay ka hadhsanayd sideed boqol oo Miter.
Duqa Degmada Berbera Mudane Cabdale Maxamed Carab oo wadada oo ay shaqadu ka socoto kula hadlay saxaafada ayaa yidhi “Wadadni hawl badan ayay soo martay , waxa aad ugu mahad leh alle ha u naxariistee Gudoomiyihii hore Berbera Siciid Daa’uud ayaa yidhi waar waxkasta ha inagu kacdee waynu bilaabaynaa inta aynu qaban karno,
Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigiisii oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay(2/23/2008) Hargeysa (SN)- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa galabta dalka ku soo laabtay , ka dib markii uu u soo dhamaaday socdaalkii ay ku tageen dalka Imaaradka Carabta.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa ku soo dhaweeyay dhabaha diyaaradaha ee cigaal International Airport Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro , Xildhibaano , Saraakiil sare oo ka tirsan xukuumada iyo dadweyne aad u tiro badan.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wefdigii Komishanka iyo Xisbiyada oo Kulan la Yeeshay Maamulka iyo waxgaradka Gobolka Awdal(2/23/2008) Wefdigii Komishanka doorashooyinka iyo wakiilada xisbiyada ee socdaalka ku joogay Magaalada Boorame , ayaa shalay kulan la yeeshay Maamulka gobolka , Waxgaradka iyo Salaadiinta gobolka Awdal.
Wefdigaasi oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Mudane Maxamed Aw Yuusuf Axmed waxa xubno ka ah 11 xubnood oo ka kala socda Komishanka , Xisbiyada , Golaha Guurtida iyo Wasaarada Arrimaha gudaha.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Komishanka Doorashooyinka oo Maanta u Kala Baxay Gobollada dalka ee Somaliland(2/22/2008) Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa Maanta u kala baxay Gobolada dalka , iyaga oo isku qaybiyay Laba Wefdi oo kala ah Bari iyo Galbeed, si ay uga hir galiyaan hawsha Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha.
Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa hadaladoodii ka mid ahaa intii aanay ka amba bixin Hargeysa ‘’ ‘'Waxaan jecelahay in aan idiin sheego inaan u kala baxayno laba wefdi Bari iyo galbeed hawsha aanu u baxaynaa waxa weeyaan inaanu soo dhisno xafiisyadii Komishanka ee gobollada iyo degmooyinka Elegtaraal Office-ka, Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Komishanka Doorashooyinka oo Jawaab Celin Ka bixiyay Dalabkii Ururka Aan sharciga ahayn ee Qaran(2/20/2008) Hargeysa(Maan)Komishanka doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa gaashaanka ku dhuftay qoraal Cabasho ah oo ay u soo gudbiyeen Ururka aan sharciga ahayn ee Qaran , kaasi oo uu kaga dalbanayeen Komishanka in ay u diiwaan geliyaan Ururkooda Qaran Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasaarada Arrimaha Dibada Jarmalka oo Ka Hadashay Aqoonsiga Somaliland(2/18/2008) Wasaarada Arrimaha Dibada Jarmalka ayaa si faah faahsan uga hadashay sida uu Jarmalku u danaynayo aqoonsi ay hesho Jamhuuriyada Somaliland iyo inuu horeba Jarmalka u bilaabay waxyaabaha u gogol xaadhaya xidhiidh la samaysashada Somaliland.
Qoraalkan oo uu soo turjumay Hersi Osman ayaa u qornaa sidan : ‘’Berlin waxay mar walba u gogol xaadhaysey aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland indhaha ayayna ku haysaa, si hadaba loo gaadho arintaas door weyn bay ka ciyaaraysaa booqashooyinka joogtada, mataanaynta Magaalooyinka Somaliland , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Mahad Naq uu u soo jeediyay Duqa Ceerigaabo Dadkii ka qayb qatay soo qabashadii afduubayaashii(2/18/2008) Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Ceerigaabo , ahna Duqa Magaaladaasi , ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ugu mahad naqay Dadweynihii , Shirkadihii iyo Masuuliyiintii Dawlada ee kala qayb qaatay soo qabashadii budhcadii afduubka kula kacday Masuulkii ugu sareeyay hay’adda GAA .
Mudane Ismaaciil X. Nuur Faarax , waxa uu Warsaxaafadeedkaasi ku sheegay in dadweynaha gobolka Sanaag iyo Masuuliyiinta gobolkaba ay u soo hoyatay guul lagu faani karo , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Baaq Taageero iyo Cambaarayn Isugu jira oo Golaha Guurtidu ka soo Saareen Fadhigoodii Maanta(2/17/2008) Golaha Guurtida JSL , ayaa fadhigoodii maanta ka soo saaray hadal qoraal ah oo isugu jira Baaq , Taageero , Cambaarayn iyo Gurmad Taakulayn ah.
Guurtida oo hadalkooda kaga waramay halka uu dalku marayo iyo sida wakhtigan loogu baahan yahay isku duubni iyo in laga feejignaado Cadowga , ayaa waxa uu u qornaa sidan:
‘’Iyadda oo maanta dalkeenu sumcad ahaan meel wanaagsan marayo dhinaca Siyaasadda Gudaha iyo tan Dibeddaba ay wax badani inoo qabsoomeen, Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale iyo Wefdi uu Hogaaminayo oo Itoobiya u Baqoolay(2/16/2008) Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International , isaga oo u sii jeeda dalka Itoobiya.
Madaxweynaha waxa ka mid ahaa wefdigiisa Wasiirada Arrimaha Dibada , Hawlaha guud , Madaxtooyada , waxa intii aanay ka dhoofin Madaarka ku sii dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland , Wasiiro , Xildhibaano , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweynaha JSL oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Wasaarada Waxbarashada lagu kordhiyay(2/12/2008) Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa manta xadhiga ka jaray dhisme weyn oo laba dabaq ah oo loo dhisay Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo dhisme kale oo loo sameeyay Macalimiinta dugsiyada Hoose/dhexe ee gobolka Maroodi Jeex , taasi oo lagu tababari doono Macalimiinta Wax ka dhiga Dugsiyada Hoose Dhexe.
Madaxweyne Rayaale oo hadal dheer oo mahad naq iyo dar daran isugu jira halkaas ka soo jeediyay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay mahad naq uu u soo jeediyay bahda Wasaarada Waxbarashada Somaliland ,
Reported By: Qaasin Ismaacil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Taasina waa mid ka bariiqatay qolada KULMIYE(2/11/2008) Hargeysa (SN) Gudoomiyaha Woqooyiga Ameerika ee Xisbiga UCID Mudane Kayse Cali Geedi ayaa Waraysi uu siiyay Warbaahinta isaga oo ku sugan Madaarka Hargeysa waxa uu kaga waramay ujeedada Socdaalkooda iyo kulankii ay dhawaan la yeesheen saddexda Xisbi Qaran Jendayi Frazer .
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqedior@yahoo.com) -
Kalfadhigii 35-aad ee Golaha Guurtida oo Saaka Ka furmay Xarunta Golaha(2/10/2008) Hargaysa (Maan)-Waxa Saaka xarunta Golaha Guurtida Somaliland ka furmay Kalfadhigii 35-aad , waxana Xildhibaanada fadhiyay fadhigan loo qaybiyay Ajande ka kooban Toddoba qodob.
Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee golaha Guurtida, Md Sh Axmed sh Nuux Furre, ayaa si rasmi ah u furay kalfadhigan , waxana ka soo qayb galay 42 Mudane .
Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo La Sheegay inuu Doonayo in Somaliland la Aqoonsado 2008(2/10/2008) Washington (maan)- Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mr Dick Cheney , ayaa la sheegay inuu dabada ka riixayo qorshe uu ku hawlan yahay oo ah in dawlada Maraykanku aqoonsi diblomaasiyadeed u fidiso Jamhuuriyada Somaliland .
warbixin la qoray Bishii December ee sanadkii dhamaaday ee 2007 , laguna baahiyay bogaga Internetka ee lagu qaadaa dhigo siyaasada Maraykanka sida bogga lagu magacaabo Wake Up oo ah bog ay gacanta ku hayaan siyaasiyiin ka soo hor jeeda Maamulka Madaxweyne Bush, Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Laascaanood: Hawl galka Ciidanka Booliiska ee ay Fuliyeen(2/9/2008) Hargaysa (Maan)-Ciidamada Booliiska ee Laascaanood ayaa shalay bilaabay hawl galo balaadhan oo la xidhiidha sugida amniga magaalada, iyagoo isla shalayna soo qab qabtay hub iyo rasaas la sheegay in laga keenay dhanka Putland.
Ciidamada Bilayska ayaa hiirtii waabari lagu soo daadiyay wadooyinka waaweyn ee Magaalada laascaanood, waxaanay magaaladu ku waabariisatay ciidamo raxan raxan u socda oo dhex mushaaxaya xaafadaha kala duwan ee Magaalada .
Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xaflad loo sameeyay Taageerayaal ku soo biiray Xisbiga UDUB kana soo baxay Xisbiga Kulmiye(2/4/2008) Hargeysa (Maan)- Xisbiga UDUB ayaa maanta xaflad soo dhawayn ah xarunta dhexe xisbigaasi ugu sameeyay Taageerayaal , Cuqaal iyo Waxgarad ka tirsan Beel ka mid ah Beelaha Gobolka Sanaag oo dhawaan shaaca ka qaaday inay ka baxeen xisbiga KULMIYE , kuna biireen UDUB.
Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Xisbiga UDUB iyo Xubno ka tirsan Guddida Fulinta , waxa kale oo goob joog ka ahaa garabka Haweenka UDUB ee gobolka Sool iyo Taageerayaasha Xisbiga.
Reported By: Qaasin Ismaacil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Jenday Fraser oo dalka dib uga dhooftay(2/3/2008) Hargeysa (Maan)- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada dalka Maraykanka u qaabilsan dhinaca Afrika Jenday Frazer ayaa shalay dalka ka amba baxday , ka dib markii ay booqasho hal maalin ah ku timid Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada u qaabilsan dhinaca Afrika oo shalay 10:00 subaxnimo dalka timid, iyadoo socodaalkeeda ay ku wehelinayeen Safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya iyo Saraakiil kale ayaa waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane C/laahi Maxamed Ducaale , Wasiirka Duulista hawada Mudane Cali Waran Cadde , Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Ibraahim Maxamed iyo saraakiil ka tirsan laanta Sirdoonka .
Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor) -
Mashruuc Fayo Dhawrka ah oo Laga Fulinayo Degmada Sheekh(2/2/2008) Sheekh (maan)- Duqa Degmada Sheekh Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye ayaa Caawa mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay noo sheegay in ay degmada ka fulinayaan Mashruuc ah Fayo Dhawrka oo ay Maal gelinayso hay’adda UNA .
Duqu waxa uu sheegay in Mashruucan ku kacayso lacag gaadhaysa 15 Kun oo Doollar , isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’Mashruucan waxa ku kacaya 15 kun oo Doollar , waxa tartan u galay Mashruucan Toddoba Degmo , waxana ku guulaystay degmooyinka Hargeysa , Gabilay , Boorame iyo Sheekh , halka ay Waayeen degmooyinka Berbera , Burco iyo Ceerigaabo’’.
Reported By: Qaasin Ismaacil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Mooshin Ku saabsan Aqoonsiga Qaddiyada Somaliland oo La hor dhigayo Aqalka Congres-ka Maraykanka(2/1/2008) Aqalka Congreska Maraykanka ayaa la filayaa in la soo hordhigo Mooshin ku saabsan sidii dawlada Maraykanka culays loogu saari lahaa in ay aqoonsato Somaliland.
Mooshin qabyo ah oo dhigaya in Congressku maamulka Madaxweyne Bush ka dalbado in uu Somaliland u aqoonsado dal madax banaan ayaa diyaarintiisa lagu guda jiraa, waxaana loo bandhigay xubno ka tirsan Aqalka Congresska Maraykanka .
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wafti ka socda Norway oo Somaliland ku soo fool leh(1/31/2008) Waxa saaka hiirtii waaberi ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Oslo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Safiirka Somaliland u fadhiya dalkan Norway Maxamed Maxamuud Aaden "Liilan".
Weftiga uu hogaaminayo Safiirku waxay ka kooban yihiin wakiilo ka socda shirkadaha ugu tunka waaweyn dalkan Norway, Waftigani Safiirku hor kacayaa waa markii labaad ee ay tagaan Dalka muddo ka yar Saddex bilood.
Bishan 17-keedii Safiirku waxa lagu casuumay seminaar ay ka qeyb galeen in ka badan afartan shirkadood oo noorweji ah, kuna hawlan qodista iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka dunida dacaladeeda.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wafti ka socda Norway oo Somaliland ku soo fool leh(1/31/2008) Waxa saaka hiirtii waaberi ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Oslo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Safiirka Somaliland u fadhiya dalkan Norway Maxamed Maxamuud Aaden "Liilan".
Weftiga uu hogaaminayo Safiirku waxay ka kooban yihiin wakiilo ka socda shirkadaha ugu tunka waaweyn dalkan Norway, Waftigani Safiirku hor kacayaa waa markii labaad ee ay tagaan Dalka muddo ka yar Saddex bilood.
Bishan 17-keedii Safiirku waxa lagu casuumay seminaar ay ka qeyb galeen in ka badan afartan shirkadood oo noorweji ah, kuna hawlan qodista iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka dunida dacaladeeda.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Way fiican tahay Xaalada Caafimaad ee Mr Admar.(1/31/2008) Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland General Maxamed Saqadhi Dubad ayaa sheegay in Booliisku gacanta ku dhigeen Nin Baastoolad ku hubaysnaa oo dhaawacay Madaxii hay’adda Hello Trust ee Magaalada Hargeysa Mr Admar.
Taliyuhu waxa uu sheegay in sarkaalkaasi oo u dhashay wadanka Armaaniya uu xaaladiisa caafimaad fiican tahay , isagoo xusay dhaawaciisu sahlan yahay.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Way fiican tahay Xaalada Caafimaad ee Mr Admar.(1/31/2008) Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland General Maxamed Saqadhi Dubad ayaa sheegay in Booliisku gacanta ku dhigeen Nin Baastoolad ku hubaysnaa oo dhaawacay Madaxii hay’adda Hello Trust ee Magaalada Hargeysa Mr Admar.
Taliyuhu waxa uu sheegay in sarkaalkaasi oo u dhashay wadanka Armaaniya uu xaaladiisa caafimaad fiican tahay , isagoo xusay dhaawaciisu sahlan yahay.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Dhakhaatiir Ka Socota Wasaarada Caafimaadka oo Socdaal Ku Tagay Degmooyinka Lughaya iyo Saylac(1/29/2008) (Maan)- Wefdi uu hogaaminayo Agaasimaha Caafimaadka ee Wasaarada Caafimaadka Cali Sh Cumar Qaabil , oo ka kooban 13 dhakhtar oo ka socda Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta u amba baxay degmooyinka Baki , Lughaya iyo Saylac oo dhawaan ay ka da’een Roobab dhaxan iyo Baraf watay oo gaystay dhimashada 3 qof , isla markaana ay ku le’deen kumanaan neef oo xoolo ahi.
Agaasimaha Caafimaadka Cudurada Maskaxda ee Wasaaradaasi , C/raxmaan Muumin Habane , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xukuumada Somaliland oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Cabdillaahi Yuusuf(1/28/2008) Xukuumada Somaliland ayaa Maanta Jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeedhay Horjoogaha Imbegati Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu Weerar ku soo qaadi doono Somaliland haddii ay ciidamadeeda kala bixi waydo Gobolka Sool , Isla markaana uu Somaliland ku tilmaamay gobol ka mid ah Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxtooyada Siciid cadaani Mooge , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xukuumada Somaliland oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Cabdillaahi Yuusuf(1/28/2008) Xukuumada Somaliland ayaa Maanta Jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeedhay Horjoogaha Imbegati Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu Weerar ku soo qaadi doono Somaliland haddii ay ciidamadeeda kala bixi waydo Gobolka Sool , Isla markaana uu Somaliland ku tilmaamay gobol ka mid ah Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxtooyada Siciid cadaani Mooge , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xukuumada Somaliland oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Cabdillaahi Yuusuf(1/28/2008) Xukuumada Somaliland ayaa Maanta Jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeedhay Horjoogaha Imbegati Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu Weerar ku soo qaadi doono Somaliland haddii ay ciidamadeeda kala bixi waydo Gobolka Sool , Isla markaana uu Somaliland ku tilmaamay gobol ka mid ah Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxtooyada Siciid cadaani Mooge , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirka Cadaalada oo uga waramay Saxafada Kulankii u la yeeshay Wasiirka Dhigiisa ah ee Maraykanka(1/28/2008) Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Axmed Xasan Cali ‘’Casoowe’’, ayaa faah faahin ka bixiyay Kulan gaar ah oo uu la yeeshay Wasiir ku Xigeenka Dhinaca Cadaalada Wasaarada Arrimaha dibada ee Maraykanka u qaabilsan intii Wefdigii Madaxweynaha oo uu ka mid ahaa Booqashada ku joogeen dalkaasi.
Wasiirka oo Saxaafada ugu Waramayay Xafiiskiisa waxa uu kaga waramay Kulan uu la yeeshay Wasiir ku xigeenka dhinaca Cadaalada u qaabilsan Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka waxyaabihii ay kaga wada hadleen Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Ganacsatadii reer Somaliland oo la siidaayay(1/26/2008) Afar nin oo ganacsato ah oo niman dhalinyaro ahi ka afduubeen tuulada Sararweyne oo 70km ka xigta degmada Buuhoodle , ayaa Maanta laga sii daayay budhcadii afduubtay.
Sida uu ku soo waramayo weriyahayaga gobolka Togdheer Odayaasha Buuhoodle ayaa ka soo furdaamiyay ganacsatada iyo gaadhi Landcruiser ah oo ay wateen oo dablaydu ku afduubtay , isla markaana Maanta ku wareejiyay odayaasha tuulada Qorilugud.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Ciidamo ka soo goostay Maleeshiyada Majeerteeniya oo soo galay somaliland(1/26/2008) Maleeshiyo tiradoodu gaadhayso 200 oo Askari oo watay Hal Tikniko oo hore uga tirsanaan jiray Maleeshiyada Majeerteeniya ayaa isku soo dhiibay ciidamada Qaranka ee Saldhiga Saddexaad ee gobolka Sanaag.
Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Saldhiga Saddexaad General Muuse Jaamac Dalas ayaa sheegay in ay ka soo goosteen Laba Boqol oo Askari oo wata Hal Tikniko ah Maleeshiyada Majeerteeniya.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirka Waxbarashada JSL oo Beeniyay in Manhajka cusub Laga Saaray Taariikhdii SNM(1/26/2008) Wasiirka Wasaarada Waxbarashada JSL Mudane Xasan X. Maxamuud Warsame ‘’Xasan Gadhweyne’’, ayaa Maanta beeniyay Warar sheegayay in Manhajka cusub ee Maadada Cilmiga Bulshada Fasalada 8-aad laga saaray Taariikhda Halgankii SNM.
Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay Shir jaraa’id oo uu Maanta xafiiskiisa ku qabtay .
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Maareeyaha Dekeda Berbera oo Hambalyeeyay Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigiisii(1/25/2008) Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Xoor Xoor ayaa hambalyo bogaadin ah u diray Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay guusha ay ka soo hooyeen awgeed Socdaalkii ay ku tageen Maraykanka iyo Ingiriiska .
Warsaxafaadeed arrintan ku saabsan oo uu na soo gaadhsiiyay Maareeyuhu waxa uu ku yidhi ‘’Aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo ka hawl wadeenada , Shaqaalaha iyo Xoog maalka Dekeda waxaanu hambalyo u diraynaa Madaxweynaha JSL iyo wefdigiisii oo guul diblimaasiyadeed ka soo hooyay Socdaalkoodii Maraykanka iyo Ingiriiska , Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Ururka Hadhuudhlayda oo Afar Milyan Ugu Deeqay Dib u Dhiska Gobolka Sool(1/24/2008) Hargeysa (Maan)- Ururka Hadhuudhlayda ee Xero Hahduudha Hargeysa ayaa shalay Afar Milyan oo Shilinka Somaliland ah ugu deeqay Taakulaynta gobolka Sool.
Xaflad lagu qabtay Xarunta degmada 26 Juun ee Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen hogaanka ururka Hadhuulayda , Maamulka Degmada 26 Juun iyo Xildhibaano golaha Deegaanka Hargeysa ah ayaa Gudoomiyaha ururka Xero Hadhuudha Hargeysa Marwo Khadiija Muuse Kooshin waxa ay deeqdaa lacageed ku wareejisay gudoomiyaha Degmada 26 Juun Maxamed Warsame Caalin.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Sida Cad- Ceeda ayaan Sacabada Loogu Qarin Karin Midho Dhalnimada Socdaalkii Madaxweynaha(1/24/2008) Aqoonsiga Somaliland waxa si dhow bidhaantiisu ay ugu muuqataa cid kasta oo maskax furan garan kartana fooraha diblomaasiyadeed ee Maanta ka foogaan dunidan aynu ku nool nahay.
Rayal Caamka dadweynaha reer Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay si weyn uga hadlayay hadalada kala duwan ee ka soo yeedhay Afhayeenka Wasaarada Khaarajiga Maraykanka iyo Warsaxaafadeedkii ee Maraykanka iyo Warsaxaafadeedkii ka danbeeyay ee hadalka Af hayeenka Meesha ka saarayay ee ka soo baxay isla Wasaaradiisa.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Xafiisyada Socdaalka Somaliland oo Qalabayn Casri ah Lagu Samaynayo(1/23/2008) Berbera (Maan)- Madaxa Hay’adda Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin ayaa Maanta shaaca ka qaaday in dib u dhis lagu samaynayo xafiisyada laamaha Socdaalka ee dalka oo qalab casri ah lagu qalabayn doono.
Madaxa Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan oo u waramayay Warbaahinta Isagoo ku sugan Madaarka Berbera, waxa uu intaa ku daray in dayactirkan iyo dib u dhiskan ay maal galinteeda bixisay hay’adda Caalamiga ah ee IOM.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Wasiirka Beeraha Somaliland iyo soo dhawayntiisi Bristol, UK(1/23/2008) Wasiirka Wasaaradda Beeraha JSL, Mudane Aadan Axmed Cilmi(Aadan Dhoola Yare) oo booqasho ku maraya qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee carriga Ingiriiska ayaa Jaaliyadda Somaliland ee Bristol si Mudnaan iyo Qadarin leh ugu soo dhaweeyeen magaaladooda.
Reported By: Qaasin Ismaaciil (Maandeeqeditor@yahoo.com) -
Khasaare Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Degmooyinka Baki iyo Saylac(1/22/2008) Boorame (Maan)- Hal qof ayaa dhintay , 30 qoysna way ku baro kaceen Roobab Baraf watay oo Maalmihii la soo dhaafay ka da’ay degmada Baki ee gobolka Awdal , sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmadaas Barre Jaamac Yuusuf Reported By: Bahda Maandeeq (maandeeqeditor@yahoo.com) -
Madaxweyne Rayaale oo Diyaarada Ka Soo Degay Isaga oo Farxadi Ku Dheehantahay Wajigiisa(1/22/2008) Wefdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa abaaro afartii galabnimo ee shalay si weyn loogu soo |